Waa Sidee Xaaladda Degmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud Kadib Markii Dagaal Looga Saaray Kooxda Ahlu Sunna (Sawiro)

Iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay degmada Xeraale ee Galgaduud ay ka dhacayeen dagaallo culus oo u dhexeeyey kooxda Ahlusunna iyo  ciidamo deegaanka ah ayaa waxaa maanta gabi ahaanba degmadaasi laga dagaal looga saaray maleeshiyaadkii  kooxda Ahlusunna ee dagaal ku soo qaaday halkaasi.

Shaley ayuu Xeraale ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee lagu soo gabagabeeyey ismariwaa todobaadyo socday, waxaana dagaalkii shaley ku dhintay in ka badan 8 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana degmada Xeraale la wareegay ciidamo deegaanka u dhashay oo diiday in la hoosgeeyo kooxda Ahlusunna ee fadhigooda yahay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Hoos ka daawo sawiro laga soo qaaday ciidamada deegaankaas oo u haray gacan ku haynta Xeraale.

Xeraale1 Xeraale3 Xeraale4 Xeraale5 Xeraale6 Xeraale7 Xeraale8

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here