Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Oo Dowladda Sacuudiga Kala Hadlay Sidii Sacuudiga Xayiraaradda Uga Qaadi Lahaa Xoolihii Soomaaliya Uga Imaan Jiray (Sawiro)

Wasiirka xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Sheikh Nur Mohamed Hassan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Boqortooyada Sacuudi Carabiya kulan kula qaatay wasiirka Deegaanka,Beeraha & Biyaha Sacuudiga Eng. Abdurrahman Abdul Muhsin Al- Fadli & Masu’uuliyiin sarsare oo ka tirsan wasaradda.

Waxaa ay labada wasaaradood ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga xoolaha nool ee labada Dal.

waxaa ay si gaar labada dhinac ugu wada hadleen sidii dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya u iibgayn jirtay Sacuudiga.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha & Biyaha Dowladda sacuudiga waxaa ay xaqiijisay in xoolaha Soomaaliya ay caafimaad qabaan oo aanay jirin wax cudur ah oo loo hakiyay dhoofkooda; balse ay muhiim tahay in ay labada wasaaradood ka wada shaqeeyaan sidii loo sixi lahaa habka dhoofka xoolaha.

Wasiirka xanaanada Xoolaha Somalia4 Wasiirka xanaanada Xoolaha Somalia3 Wasiirka xanaanada Xoolaha Somalia2 Wasiirka xanaanada Xoolaha Somalia1 Wasiirka xanaanada Xoolaha Somalia

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here