Dhageyso Wasiirka Gaashaandhigga Oo Calaamad Su’aal Saaray In Rag Sidaas U Hubeysan Inay Alshabaab Dhexdooda Ku Noolaadaan Iyagoon Alshabaab Ka Tirsaneyn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in howl galkii ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo howl gal ku jira ay rag hubeysan soo rasaaseeyeen, isagoo xusay in laga codsaday markii hore in hubka dhigaan, balse ay diideen  ay ciidamada dowladda rasaas ku bilaabeen.

Wasiirka ayaa sheegay in calaamad su’aal ay saaran tahay in Rag Sidaas U Hubeysan Inay Alshabaab Dhexdooda Ku Noolaadaan iyagoon Alshabaab ka tirsan.

Arinta kale ee la yaabka leh ayaa ah in 17 maleeshiyo hubeysan ay hal beer waardiyo ka noqdaan taasi oo caddeyn kale u ah in nimanka la laayey ay ka mid ahaayeen maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Hoos ka dhageyso

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here