Wasiirka Laga Buuxiyey Booskii Marxuum Cabbaas Siraaji Oo Xilka Loo Dhaariyey

Kulanka tobanaadlaha ah ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn waxaa lagu dhaariyay Eng. Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo bedelay AUN Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo dhawaan bishii MAY la dilay.

Waxaa uu ajendaha kulanka ahaa sii wadida kulankii sagaalaad ee 17-kii bishan Agoosto uu guddiga yeeshay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

“Waxaa dhacay shir looga hadlayay qorshe howleedka golaha, waxaana looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha ay guddiyada qabanayaan, afar guddi unbaa dhiman, inta kale waa la dhameeyay, waxaana la isla soo hadal qaaday waqtiga afarta guddi ay isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Cabdixakiin Xaaji Buux.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here