Qaybaha Uu Ka Kooban Yahay Saldhigga Milateriga Turkiga Ee Laga Dhisay Xeebta Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Iyadoo dhowaan lagu wado in mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga ay yimaadaan Soomaaliya ayaa waxaa hadda socdo Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho diyaar garowgii ugu dambeeyey si mas’uuliyiinta imaanayo ay xarigga uga jaraan.

Saldhigga Milateri ee Turkiga wuxuu ku yaalaa jidka dhanka xeebta ah ee Muqdisho k xiriiriyo gobolka Sh/hoose, wuxuuna 3KM u jiraa magaalada Muqdisho.

Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

Waxaa uu Saldhigga loo qorsheeyey in lagu tababaro ugu badnaan 1,500 askari oo Soomaali ah, iyadoo ay tababari doonaan Saraakiil milateri oo dalka Turkiga u dhashay.

Saldhigga Turkiga Saldhigga Turkiga0 Saldhigga Turkiga1 Saldhigga Turkiga2 Saldhigga Turkiga3 Saldhigga Turkiga4 Saldhigga Turkiga5 Saldhigga Turkiga6 Saldhigga Turkiga7

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here