Dhageyso Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Soo Wajahan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sh/hoose Oo Maleeshiyada Alshabaab Ay Ku Sugan Yihiin

Saraakiil ka tirsan ciidamada DF ayaa warbaahinta u sheegay in cutubyo ka tirsn ciidamada AMISOM ee ka socdo dowladda Itoobiya ay dhowaan soo gaari doonaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Cabdi Aadan oo ka mid ah Saraakiishii DF ee horay uga soo baxay Degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose isla markaasina la hadlay Radio Danan ayaa sheegay in Degaanka Leego ay dhowaan ku soo wajahan yihiin Ciidamo ka socdo dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, waxa uu sarkaalkan beeniyay Wararka sheegaya in maleeshiyada Alshabaab la wareegeen Degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo shaley ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo falaagada Alshabaab.

Hoos ka Dhageyso

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here