Dhageyso Waaliga Kooxda Alshabaab U Qaabilsan Gobolka Sh/hoose Oo U Duceeyey General Cirfiid Iyo Dadkii La Xanuunsaday Maleeshiyaadkii Lagu Laayey Bariire

Waaliga Alshabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Hoose Abuu Usaama oo u waramay Idaacadda Afka Alshabaab ku hadasho ee Alfurqaan ayaa ka hadlay maleeshiyaadkii Alshabaab ee dhowaan ciidamada DF ay ku laayeen duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Abuu Usaama ayaa u duceeyey kooxo gacan saar la leh Alshabaab oo Mudaaharaadyo dowladda looga soo horjeedo ka dhigay deegaanka ceelasha biyaha kuwaasoo ku dhawaaqay inaan la aasi doonin maleeshiyaadka Bariire lagu laayey ilaa laga keeno saraakiisha ciidaada dowladda u qaabilsan gobolka Sh/hooose.

Sidoo kale, wuxuuu Abuu Usaama amaanay Taliyaha ciidamada DF General Cirfiid oo warbaahinta ka sheegay in wasiirka Gaashaandhigga uu qalad ka sheegay maleeshiyaadka lagu dilay duleedka Bariire isla markaasina ku tilmaamay inay ahaayeen shacab beeraley ah.

Hoos ka dhageyso codka Abuu Usaama

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here