Beesha Habargidir Oo Dowladda Federalka Ka Dalbatay In Loo Fuliyo Dhowr Qodob Si Ay U Joojiso Dacaayadda Warbaahineed Ee Dowladda Ay Uga Soo Horjeedo(Warbixin)

Kadib dhacdadii lagu laayey maleeshiyaadkii gacan-saar la lahaa kooxda Alshabaab waxay arintaasi albaab cusub u furtay odeyaal iyo siyaasiyiin u dhashay beesha Habargidir oo markii hore la’aa wado ay u soo maraan madaxda dowladda federalka.

Iyadoo adeegsanayso warbaahin beeleed noocyo kala duwan leh, waxaa maalmihii ugu dammbeeyey beeshan mar kaliya khalkhal amni iyo mid siyaasadeed ay ku abuurtay madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Madaxda DF oo jahowareersan ayaa bilaabay xal u arkay inay si hoose ula xiriiraan odeyaasha iyo siyaasiyiinta dhacdadii Bariire uga faa’ideysanaayo in beesha Habargidir dib loogu soo celiyo Xilal ay lumisay markii uu xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya qabsaday Maxamed C/laahi Farmaajo. Dowladda oo u muuqato inay markaan u nugushahay cadaadiska beeshan ayaa siyaasiyiintaasi weydiisatay inay soo gudbiyaan waxyaabaha ay rabaan inay ka helaan dowladda federalka si loo joojiyo dacaayadaha warbaahinta ay ka wado beesha Habargidir.

Sida aan xogta ku helnay, odeyaasha iyo siyaasiyiinta Habargidir waxay dowladda ka codsadeen in loo fuliyo qodobada soo socdo:

1- In hogaanka ciidamada Milateriga DF ee ka howlgalo gobolka Sh/hoose looga dambeeyo saraakiil ka soo jeedo beesha Habargidir isla markaasina gobolka Sh/hoose laga wareejiyo General Sheegow oo dhowaan lagu soo bedelay booska ay joogeen horjoogeyaasha kala ah Xasan Jaamici iyo Laba Afle.

2- In jagada Wasaaradda Arimaha Gudaha DF dib loogu soo celiyo beesha Habargidir isla markaasina loo ogolaado in xilkaasi loo magacaabo shakhsi ay keensaneyso beesha.

3- In madaxda dowladda federalka ay baajiyaan fulinta xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda ciidamada ay ku riday Dable Axmed C/laahi Caydiid oo ah gacan-ku-dhiiglihii toogtay wasiirkii Howlaha Guud ee DF marxuum Cabbaas Siraaji oo la dilay bishii MAY ee sanadkan 2017-da.

4- In xilka laga qaado wasiirka Warfaahinta Eng. Yariisow iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid Maxamed C/laahi oo labaduba si qeexan u sheegay in raggii lagu laayey deegaanka Bariire ay ahaayeen ama gacansaar la lahaayeen Kooxda Alshabaab. Xilka qaadistan ayaa lagu wadaa inay xaqiiqowdo isku shaandheyn dhowaan loo balansan yahay in lagu sameeyo Golaha Wasiirada DF ee uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre.

5- In dowladda Federalka ay kaalin mug leh ka qaadato sidii beesha Habargidir loogu xalaaleyn lahaa Beero/Aseendooyin ah oo ay xoog ku qabsatay xiligii ay dhacday dowladdii Milateriga ee uu hogaaminaayey marxuum madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Aseendooyinkaasi oo ay iska lahaayeen shacabka gobolka Sh/hoose waxaa shirkado ajnabi ah ka kireeyey dowladdii Kacaanka oo ku hadafkeeda ah kobcinta dhaqaalaha wax-soo-saarka dalka loogu horumariyo.

6- In Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamulka K/Galbeed ay si wadajir ah iskaga kaashadaab in beesha Habargidir maamulka gobolka Sh/hoose laga siiyo xilal muhiim ah min heer gobol ilaa heer degmo taasi oo beesha u fududeyneyso inay ku difaacato masaalixdeeda iyo dhul beereed ay xoog ku qabsatay 20-kii sano ee dalka dowlad la’aanta ahaa.

Xogtan waxaan ka helnay saraakiil ka howlgalo Villa Somalia, mana la garanaayo in dowladda Federalka aqbali doonto iyo inay ku celin doonto kooxdii qorsheyaashan soo dejisay .

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here