Shirkadda Dahabshiil Oo Bangi(Bank) Ka Furatay Magaalada Kismaayo

Wasiirka Ganacsiga maamul goboleedka Jubbaland Fariid Jaamac Saleemaan ayaa shaley si rasmi ah u daahfuray Bangiga cusub ee shirkadda Dahabshiil kaasi oo dhowaan laga dhisay magaalada Kismaayo

Xafladda lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Dahabshiil waxaa lagu qabtay Hotel Aga nee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee ka dhisan deegaanada Jubbaland.

Waxaa goobta ka hadlay Madaxa bangiga Dahabashiil ee Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya Mudane Cismaan Cali Xalane, isagoo sheegay in bangigan adeegyo muhiim ah ku soo kordhin doono deegaanada Jubbaland, isagoo ugu baaqay bulshada reer Jubbaland in ay ka mid noqdaan macaamiisha bangiga.

Waxaa si diiran u soo dhaweeyay Bangiga Dahabshiil ururada bulshada rayidka kuwaasoo sheegay in ay tahay tallaabo cusub oo loo qaaday dhanka horumarka.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Mudane Fariid Jaamac Saleebaan oo ugu danbeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in arintan ay tahay mid kaalin weyn ka qaadan karta horumarka deegaanada Jubbaland, waxa uuna mahadcelin u jeediyay masuuliyiinta shirkadda oo gartay in Kismaayo ay ka furaan xaruntan.

Dahabshiil Kismaayo
Dahabshiil Kismaayo
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here