Wasiirka Warfaafinta DF Eng. C/raxmaan Yariisow Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Holland Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dalkaasi(Sawiro)

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay u sameeyeen Wasiirka Warfaafinta Hidaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo dhawaan halkaasi Gaaray.

Eng. Yariisow ayaa kulankaasi waxaa uu ka xog wareystay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Dalka Holand, kuwaasi oo dhankooda uga warbixiyay xaaladda ay ku sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale kulankaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iyo aqoonyahano kale.

Eng Yariisow ayaa Jaaliytadda Soomaaliyeed ee Holand uga warbixiyay xaalada dalka uu marayo iyo horumarada ka jira, isago qurbejoogta ku booriyey inay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalka.

Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland1 Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland2 Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland3 Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland4 Eng Yariisow iyo Jaaliyadda Holland5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here