Qaramada Midoobey Oo Bilowday Qorshe Suurta Gelinaayo In Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ka Qabsoonto Soomaaliya Sanadka 2020-ka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka xoghayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman kaasi oo todobaadkii hore Muqdisho yimid.

Kulanka madaxdan waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya ka jirto dhinacyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, iyo xiriirka ka dhexeeyo maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

“Soomaaliya waxey ku talaabsaneysaa horumar balaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka, waxaaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre oo kulanka ka hadlay.

Danjire Jeffrey D. Feltman oo isna hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu soo dhaweynayo dhinaca kale hormarka muuqada ee waqtigan Soomaaliya ka jira.

‘’Waxaa Soomaaliya kala shaqeyn doonnaa gaarida doorasho madax-banaan oo xor ah sanadka 2020ka, dib-u-eegista dastuurka, arimaha federalka, iyo siddii caalamku Soomaaliya u siin lahaa taageero buuxda’’ayuu yiri Jeffrey D Feltman.

Qaramada Midoobey ayaa waxay xoogga saareysaa sidii sanadka 2020-ka dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin qof iyo cod ah.

SHARE

1 COMMENT

  1. ASC Jaalle Waziir,

    Waxaas horumar lama yiraahdo. Soomaaliya iyo Soomaalida weli diyaar uma aha “One Man / One Woman One Vote”. Waxyaalo badan baa ah in horta la soo dhiso intaan loo talaabsanin hal ruux hal cod. Jaale Waziir Adi ii Kaabahaabo Jaalle Madaxweyne Maxamed Farmaajo ha ku degdegina inaad taariikhda ku gashaan kuwii ugu horeeyey oo Soomliya ka fuliyey doorasho xaq ah. Dad baa la qaxiyey oo dad baa meeleey up iyo isir u laheyn xoog ku jooga. War Mareykanka oo ugu horeeya aduunka ayaa weli laga helaa One Man Fifty Votes. Mareykanku kama hadlaan arinkaan ah hal ruux iyo konton cod. Markii qof asaga jago u ordaayo uu sameeyo uun beey ka hadlaan laakiin reeraha mareykan ee xoolaha leh codadkood waa cadada xoolahood. Hadaad u fiirsatana qofka xaq buu u leeyahay inuu konton cod dhiibto hadduu konton guri ama konton business ku kala leeyahay konton gobol. Inkastoo Mareykanku ku tilmaamo sharci daro iney tahay hal ruux inuu yeesho wax ka badan hal cod.
    Horta Illaaheey SWT Cazawajjallah ha idinku fashiliyo arintaan Allaahumaa Aamiin. War hadey tan idiin meel marto Naar baa geleesaan Aakhiro. Waayo iyadoo hadda la adeegsanayo qabaa’il systemka ayaa qabaa’ilada qaarkood xuquuqdood iyo kuraastood la duudsiiyaa. Hadaad qabiil wax ku qeebsi meeha ka saartaan some people will be forever without equal representation. In America One Man One Vote works up certain level and the reason is they never had a tribal system. If you ask an american what’s your tribe? he would not know. Look the American Senate has 100 members which gives equal voice of all states. I mean the most populated State & the least populated state do have equal voice which is two Senators for each State. But the Congress the number of representatives of each state depends upon its population. Maashaa’Allaahu this is the closest to justice for mankind but yet the american system still comes short.
    Soomaalia hadaan u soo laabto, sidee baad qolo waliba ku siin kartaa equal representation? Unfortunately the only clear choice or option for Somaali Justice is through Tribalism. It is not bad if you really look at it the Tribalism is consistent with Islamic Values.
    Waa huwaa dadka qaarkiis wey fahmi karaan meehaan ka socdo. Soo koob hadalka, hadaad cadaalad ka sameyneysaan Soomaaliya, sameeya a Tribal Senate taasoo ah cod siman oo saameeyaa qabaailada kuligood iyo Tribal Congress oo xoogaha u laabaayo qabaa’ilada waaweyn. From there Inshaa’allaahu waan u talaabi karnaa Hal Ruux iyo Hal Cod.
    Fii Amaani Allaahi SWT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here