Dal Ka Mid Ah Dalalka Qaaradda Yurub Oo Sharciga Deganaashaha U Diiday Haweeney 106 Sano Jir Ah(Sawiro)

Dowladda Sweden ayaa sharciga deganaashaha u diiday Haweeney 106 sano jir ah oo u dhalatey dalka Afqaanistaan taasi oo dhibaato xoog leh u soo amrtey in ay soo gaarto wadamada qaarada Yurub sanadkii 2015.

Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Sweden ayaa soo saartay go’aan lagu musaafurinaayo haweeneydan oo lagu magacaabo Bibihal Uzbeki, waxaa haweeneydan dhabarka ku soo qaadey wiil ay ayeeyo u tahay, waxaana uu kala soo gudbey buuro iyo dhul saxare ah.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Sweden ayaa sheegtey in dacwadda haweeneydan aysan ahayn mid ay ku heli karto sharci deganaasho, waxayna sheegeen in haweeneydan ehelkeeda ay waayeelnimadeeda uga faa’ideysanayaan inay ku helaan deganaashaha dalka Sweden.

Bibihal Uzbeki ayaa la sheegay muddo ku nooleyd dalka Iran ka hor inta aysan soo gelin safarka dheer sanadki 2015-ka oo ay ku timid dalka Sweden.

Bibihal uzbeki Bibihal uzbeki1

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here