Dowladda Federalka Oo Ansixisay Sharciga Batroolka

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii todobaadkii hore ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo arrimo kale.

 

Wasiirka Batroolka ayaa intii la dhageysanaayey warbixintii wasiirada ay gudbinayeen u sharaxay Golaha Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008-dii.

Dood dheer ka dib Golaha wasiirradu ayaa ansixiyey Sharciga Batroolka. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here