Dowladda Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay 29 Qof Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Deegaan U Dhexeyso Magaalooyinka Jigjiga Iyo Harar

Dowlada Itoobiya ayaa war ka soo saartay weerar khasaare culus dhaliyey oo shalay ka dhacay deegaanada Awadaay iyo Haramaaya oo lagu dilay ugu yaraan 29 qof oo Soomaali ah.

Weerarka waxaa geystay kooxo hubeysan oo ka soo jeedo qowmiyadda Oromada oo beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad Soomaali ah oo badankooda ahaa ganacsato ka ganacsato maandooriyaha Qaadka.

Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya Negeri Lencho oo war qoraal ah maanta ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in dowlada federaalka ay ku dedaalayso sidii ay u xalin lahayd dhibaatada shalay ka dhacday inta u dhexeyso magaalooyinka Harar iyo Jigjiga.

Qoraalka Wasiirka waxaa lagu xusay in ciidamada Qaranka ee Itoobiya halkaasi loo diray si ay hubka uga dhigaan kooxaha hubeysan isla markaasina gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay xasuuqii shaley ka dhacay.

Sidoo kale, qoraalka Wasiirka waxaa lagu sheegay in hay’ada xuquuqul insaanka ee Ethiopia ay koox xaqiiqo raadin ah u dirtay deegaanadaas si loo soo ogaado xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee deegaanadaas ka dhacay.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here