Maxkamad Ku Taalo Dalka Holland Ayaa Daahir Calasow Ku Amartay Inuu Magdhow Siiyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Uu Dacaayado Been Abuur Ah Ka Sameeyey

Daahir Calasow oo ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Holland ayaa bishii hore dacwad been abuur ah ku soo oogay Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Daahir Calasow ayaa ku dacweeyey Eng. Yariisow in markii uu socdey kiiskii Dahabshiil iyo Daahir Caslasow uu Yariisow qoray qoraal Dahabshiil ku darsatey dacwadeeda kaas oo la xiriiray in Daahir Calasow yahay qof dadka handada oo khasba iskuna daya in sidaas lacag uga qaado, Daahir Calasow ayaa qoraalkaas uu qoray Yarisow ku dacaweeyey.

Maxkamadda dacwadda uu ka furay Daahir Calasow oo ku taala magaalada Amestardam ee caasimadda dalka Holland ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartey dacwadda, maxkamadda waxay waxba kama jiraan ka dacwadda uu furay Daahir Calasow iyadoo ku xukuntey Daahir Calasow in uu bixiyo kharashkii dacwadda uga baxay Wasiirka Warfaafinta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maxkamadda Amstardam ay ku xukuntey Daahir Calasow in uu bixiyo magdhaw gaaraya €1,700 (kun iyo todobo boqol Yuuroo ) taas oo uu siinayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta oo ka hadley go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka maxkamadda ayna caddeyn u tahay in xornimada saxaafadda iyo madaxbanaanideeda aysan meel uga jirin hanjabaad iyo khasab in lacag la isaga qaado.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Daahir Calasow uu ku fashilmo maxkamadaha hortooda, maxkamad ku taallo isla dalka Holland ayaa sanadkii hore Daahir Calasow ku qasabtay inuu Website-kiisa ka tirtiro boqoraal maqaal oo uu kaga been sheegaayey shirkadda Dahabshiil isla markaasina wajiga hore ee website-kiisa inuu ku daabaco qoraal uu ku caddeynaayo inuu ka been sheegay oo uu argagaxiso ku xiriiriyey shirkadda Dahabshiil taasoo muddo halsano ah uusan ka saari karin.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here