Dagaal U Dhexeeyo Ciidamada Xasilinta Caasimadda Iyo Maleeshiyo Beeleed Ayaa Maanta Ka Socdo Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Xasilinta Caasimada iyo Maleeshiyo Beeleed ayaa saakey ka socdo Haanta Dheer oo ku taalo agagaarka Xerada ciidanka 77(Saban Saban) ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay hubka ka dhigeen nin qori AK47 watay  saaka aroortii agagaarka Haanta Dheer, waxaa markaasi kadib rasaas lagu soo furay  ciidamada Xasilinta oo howshii loo igmaday ku guda jiray.

Maleeshiyaad Qoryo culus la saaran Haanta Dheer ayaa weli rasaas teel teel ah ku soo ridaayo ciidamada Xasilinta, waxaa xaafaha ku dhow dhow aagga lagu dagaalamaayo iskaga barakacay shacabkii halkaasi degganaa.

Saraakiisha ciidamada Xasilinta Caasimadda ee dowladda ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u soo afjari lahaayeen maleeshiyaadka qoryaha la saaran Haanta Dheer ee degmada Dayniile

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here