Akhriso Maansada “BADBAADO” Ee Uu Alifay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Abwaaniinta waxay bulshadooda uga tagaan dhaxal aan duugoobin oo ay iska dhaxlaan, waxyaabaha laga dhaxlo abwaaniinta waa xikmadooda iyo suugaantooda oo loo adeegsado waaqica taagan markaasi.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi wuxuu ka mid yahay abwaaniinta ugu suugaanta fiican bulshada ku hadasho Afka Soomaaliga, wuxuu sameeyey suugaan dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed.

Maansada BADBAADO waxay ka mid tahay maansooyinka Abwaanka ee aad ugu haboon bulshada Soomaaliyeed inay xiligan dib u milicsadaan. Hoos ka akhriso Maansada BADBAADO ee uu alifay Abwaan Hadraawi

“Boqorkaan rugtiisiyo
Baradiisu madhanow,
Kaan baahan jirinow,
Kii baahan jirey baa
Kuu baahan Adigee;
Allahayow badbaadada
Iyo baydhka xilashada
Ha ku xidhin billaawaha
Nimaan Adiga kaa biqin.

Allahayow badbaadada
Iyo baydhka xilashada
Ha ku xidhin nin beer adag
Iyo bahalo aan nixin,
Bishmo lala haliiliyo
Carrab dhuux baraar jecel
Iyo buulka qalatada
Iyo haanta Bow-dheer.

Allahayow badbaadada
Ha ku xidhin intii baas
Bakhti-yahan xalaal neceb
Iyo booli-quutaha
Damac lagu ballaysimey.

Allahayow badbaadada
Ha ku xidhin bayuuraha
Bullashada wirteediyo
Baga iyo bagaaleey
Iyo lihi bar-kuma-taal.

Allahayoow badbaadada
Ha ku xidhin BAH iyo REER
Biya-dhiijin QOLO QOLO
Isu-baanka digashada
Iyo sheeko-baraleey.

Allahayow badhaadhaha
Allahayow barwaaqada
Ha ka dhigin baroor dumar
Iyo barada meyd yaal.”

AbwaanÖ Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Maansada: BADBAADO oo la alifay 27/01/1996.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here