Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Ayaa Booqasho Ku Tagay Deegaanka Bariire Oo Maanta Lagu Dilay Ciidamo Tiro Badan(Sawiro)

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax ayaa maanta booqday deegaanka Bariire oo maanta lagu dilay tiro ka tirsan ciidamo dhowaan halkaasi la geeyey oo uu hogaamiyo Liibaan Madaxweyne.

Waxaa uu gudoomiyaha deegaanka Bariire kula kulmay abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka C/laahi Cali Caanood oo maanta halkaasi u gaaray inuu soo qiimeeyo xaaladda amni ee deegaankaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa saakey weerar culus ku ekeeyey saldhig deegaanka Bariire laga dejiyey maleeshiyaad aan deegaanka u dhalanin oo uu wato Liibaan Madaxweyne oo lagu haysto dambiyo dagaal uu ka galay shacabka gobolka Sh/hoose.

Deegaanka Bariire oo caawa deggan ayaa waxaa laga dareemayaa saansaan colaadeed.

Caanood iyo Najax Caanood iyo Najax1 Caanood iyo Najax2 Caanood iyo Najax3 Caanood iyo Najax4 Caanood iyo Najax5 Caanood iyo Najax6

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here