Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Dalka(Sawiro)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si raxsmi ah u saxiixay xeerka Isgaarsiinta ee dalka.

Xaflad ka dhacday Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta ugu sareyso dalka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Cabdi Xaashi, Kusimaha Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee BF C/weli Ibraahim Muudey, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo Xildhibaano.

Xeerka Isgaarsiinta dalka ayaa muddo badan wuxuu yaallay Baarlamaanka waxaana ugu dambeyn ansaxiyey Baarlamaanka 10aa.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa bishii August ee sanadkan ansixiyey sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in xeerka isgaarsiinta uusan wax sahlan aheyn isla markaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahad celiyay dhinacyadii gacanta ka geystay.

MD Farmaajo oo saxiixay sharciga Isgaarsiinta MD Farmaajo oo saxiixay sharciga Isgaarsiinta1 MD Farmaajo oo saxiixay sharciga Isgaarsiinta2 MD Farmaajo oo saxiixay sharciga Isgaarsiinta3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here