Daawo Axmed Macalin Fiqi Oo Ku Faanayo In Reer GalMudug Ay Yihiin Dadkii Burburiyey Dowladdii Dhexe Ee Somalia(Video)

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somalia ayaa ku faanay in dadka reer GalMudug ee uu Baarlamaanka ku matalo ay yihiin kuwii burburiyey dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii.

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah shakhsiyaadka mucaaradsan siyaasadda madaxda dowladda federalka ayaa hadalkan ku sheegay xili uu hanjabaad u diraayey madaxda dowladda.

Burburkii dowladdii dhexe ee Somalia ayaa shacabka Soomaaliyeed u horseeday dhibaatooyin badan oo ilaa hadda dalka Soomaaliya uusan ka soo kabsanin, waxaana arin lala yaabo ah in nin xildhibaan ah uu ku faano burburinta horumarkii dalka Soomaaliya uu gaarsiisnaa xiligaasi.

Hoos ka daawo hadalka Axmed Macalin Fiqi

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here