Dalka Sudan Oo Cunaqabateyntii Laga Qaaday Iyo Qodobo Lagula Heshiiyey Sudan

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dalka Sudan uu ka qaaday cunaqabateyntii Mareykanka saaray dalkaasi 20 sano ka hor. Madaxweyne Trump ayaa dhowr todobaad ka hor ka saaray Sudan dalalka muwaadhiniintooda laga mamnucay inay soo galaan dalka Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barak Obama ayaa dalka Sudan ka khafiifiyey cunaqabateynta ka hor inta uusan xafiiska ka tagin.

Waxaa jiro shuruudo adag oo lagu xiray cunaqabateynta laga qaaday Sudan kuwaasoo qaarkood la shaaciyey halka qaar kalena ay qarsoon yihiin. Shuruudaha la shaaciyey waxaa ka mid ah sida hoos ku qoran:

1- In Sudan joojiso hubka ay ka soo iibsaneyso Waqooyiga Kuuriya oo dhaqaale badan ay ka hesho dowladda Pyongyang.

2- In dowladda Sudan dib u dejin u sameyso shacab gaarayo 2 milyan oo dalka dhexdiisa ku barakacay kadib dagaaladii ka dhacay gobolka Darfur.

Dowladda Sudan ayaa hubka culus ka soo iibsato dalka Waqooyiga Kuuriya taasoo dagaal kulul oo siyaasadeed kala dhexeeyo dalka Mareykanka. Dowladda Sudan ayaa dhowaan la saxiixatay Waqooyiga Kuuriya inay ka iibsaneyso Gantaalaha ridada dheer taasoo khalkhal ku abuurtay Israel oo arintaasi u aragto in cadowgeeda sii xoogeysanaayo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la filaayey inuu dalka Sudan ku adkeyn doono cunaqabateynta balse duruufo siyaasadeed oo dhanka waqooyiga Kuuriya ka haysto Mareykanka ayaa kaliftay in Sudan uu canaqabateynta ka qaado si Waqooyiga Kuuriya aanay dhaqaale badan uga helin Sudan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si hoose ula socon doonto in Sudan fulin doonto waxyaabaha la isku afgartay isla markaasina Sudan ixtiraami doonto go’aanada iyo heshiisyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here