Shir Looga Hadlaayo Arimaha Fikirka Xagjirnimada Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somala waxaa maanta ka furmey shir looga hadlaayo rabshadaha salka ku haya xagjirnimada, Shirkan ayaa daba socda shirkii London ee arrimaha amniga ee Soomaaliya.

Shirka waxa si wadajira u gudoominayay ra’isul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, iyo safiirka dalka Sweden u fadhiyo Somalia.

Shirka waxaa looga hadlayaa sidii loo dejin lahjaa qorshe looga hortegaayo afkaaraha xagjirnimada taasi oo lagu qeexay cidkasta oo dadka ku disha fikir ay aaminsan tahay.

Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada oo loogu talo galay inay shirkan soo xaadiraan ayaan sidii loogu tala galay aysan uga qayb galin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here