Xiriirka U Dhexeeyo Turkiga Iyo Mareykanka Oo Xumaaday Iyo Safaaradda Turkiga Ee Mareykanka Oo Joojisay Inay Fiiso Siiso Dadka Mareykanka Ah

Safaaradda Turkiga ee dalka Mareykanka iyo Qunsuliyadaha diblomaasiyadeed ee ka howlgalo magaalooyinka dalkaasi ayaa joojiyay inay dal-ku-galka(VISA) Turkiga siiyaan muwaadhiniinta dalka Mareykanka.

Arintan ayaa timid saacado kadib markii Safaaradda dalka Mareykanka ku leeyahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ay ku dhawaaqday inay yareyneyso Adeegyadii fiisaha ee ay siin jirtay muwaadiniinta Turkiga iyadoo taasi sabab uga dhigtay in dowladda Turkiga ay xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara.

Dowladda Turkiga ayaa todobaadkii hore xabsiga dhigtay sarkaal ka shaqeynaayey safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara kaasi oo ku lug yeeshay Afgembigii fashilmay ee sanadkii hore ka dhacay dalka Turkiga.

Xiriirka u dhexeeyo Turkiga yo Mareykanka ayaa la saadaalinayaa inuu sii xumaado iyadoo dowladda Turkiga ay qaadeyso talaabo ka culus talaabo kasto oo Mareykanka u soo qaado dhanka Turkiga.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here