Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Soo Jeedo K/Galbeed Oo Sheegay In Shariif Xasan Uu Cuuryaamiyey Horumarka Deegaanada K/Galbeed(Bayaan + Sawiro)

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeedo deegaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku soo gudbiyay warbixino la xiriirira maamulka Koofur Galbeed ee u hogaaiyo Shariif Xasan Sheekh Aadam.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa isku waafaqay in Madaxweyne Shariif intii uu xilka hayay uuu gobolada K/Galbeed u horseeday horumar la’aan, amni darro, maamul xumo, musuq maasuqa baahsan iyo ku takri falka awoodaha xafiiska madaxweynaha.

Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo ka mid ah mudanayaasha K/Galbeed ayaa sheegay in Shariif Xasan uu jebiyey dhamaan qodobada dastuurka ay u yaallo maamulka K/Galbeed, wuxuu xildhibaanka xusay inaanay usii dulqaadan Karin isla markaasina ay diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan Shariif Xasan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in 94 xildhibaan ay saxiixeen mooshin la xisaabtan ah oo la horgaynayo baarlamaanka K/Galbeed todobaadka soo socdo maalinta 17ka bishan Oktoobar.

 

Xildhibaan Abdifataax Geeseey oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in maamulka K/Galbeed aan bulshada looga faa’iidaynin muddadii uu jiray, wuxuu sheegay in Shariif Xasan uu cuuryaamiyey maamulka K/Galbeed.

Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiintan hoos ka akhriso:

Bayaan

Mucaaradka Shariif Xasan Mucaaradka Shariif Xasan0 Mucaaradka Shariif Xasan1 Mucaaradka Shariif Xasan2 Mucaaradka Shariif Xasan3 Mucaaradka Shariif Xasan4 Mucaaradka Shariif Xasan5 Mucaaradka Shariif Xasan6 Mucaaradka Shariif Xasan7

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here