Axmed Diiriye Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

Qarax galabta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa khasaaro culsus oo dhimasho iyo dhaawacba leh geystay. dad tiradooda kor u dhaafeyso 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen halka dhaawacana uu aad u tiro badan yahay.

Dadka geeriyooday ayaa u badan dad garab rarato ah oo qaarkood gawaarida dadweynaha ka raacaayey isgooyska halka qaarka kalena ahaayeen dad dan yar ah oo ku ganacsanaayey wadada hareeraheeda.

Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Afhayeenka Odeyaasha Dhaqanka Hawiye Axmed Diiriye iyo xildhibaan Ubax Tahliil oo la sheegay inay shir ku lahaayeen mid ka mid ah hotelada ku yaallo Zoobe.

Axmed Diiriye ayaa caan ku ahaa baaqyo colaadeed oo uu jeedin jiray xiligii dalka uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud isagoo lagu xasuusto hanjabaadihii uu Xamar ka soo diri jiray xiligii dagaalada ka socdeen gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, dadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxa maanta waxaa ku jiro mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka oo ilaa hadda magacyadooda iyo xilalka ay hayeen aanan weli la shaacinin.

Kooxda Alshabaab ayaa ku caanbaxday fulinta qaraxyada noocan ah inkastoo kooxdani aanay weli wax war ah ka soo bixin oo la xiriiro weerarka  Zoobe.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here