Dowlada Qadar Oo Sheegtay In Qaraxii Zoobe Ay Ka Dambeeyeen Wadamo Saluugsanaa Mowqifka Dhexdhexaadnimo Ee Somalia Ka Qaadatay Xasradaha Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheekh Maxammed bin Abdulrahman ayaa sheegay in weerarkii Muqdisho uu ahaa Mid aargoosi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankii dhex-dhexaadnimo ee Soomaaliya qaadatay isla markaasina ku saabsanaa khilaafka dalalka Khaliijka uu ahaa mid ay ka caroodeen dowladaha qaar kuwaasoo filanaayey in dowladda Soomaaliya la safan doonto. Waxaa uu xusay in  raadka qaraxii Zoobe uu dabada la galay dowladaha Qadar go’doomiyey ee Sacuudiga hogaamiyo.

Sidoo kale, Wasiirka wuxuu hadalkiisa sii raaciyeye in Hogaamiyeyaasha maamul Gobaleedyada dalka Dhamaantood ay qaateen laaluushay Si ay uga soo horjeestaan Go’aanka dowladooda Dhexe ee Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka iyo Qadar.

Waxaa uu Cadeeyey mas’uulkan in Wadamada khaliijka ay deeqihii bini aadamnimo iyo Mushaaraadkii Ciidanka ee ka jarteen xukuumada Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraayo shakiga laga qabo in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka ay kaalin mug leh ku lahaayeen Qaraxii cuslaa ee Zoobe ka dhacay kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 250 qof oo rayid ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here