Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe Oo Loo Qaaday Dalka Turkiga(Sawiro)

Waxaa goordhow diyaarad Milateri garoonka diyaaradaha Muqdisho looga qaaday dhaawacyo fara badan oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday dalka Turkiga, waxaana sii sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Guddiga gurmadka.

Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dadka dhaawacyada qaba oo saaka gawaari ambalaas looga soo qaaday isbitaalada kala duwna ee Muqdisho.

Tirada dhaawacyada la qaaday ayaa gaarayo 34 qof oo la sheegay in dhaawacyadooda ay daran yihiin.

 

Wounded to Turkish Hospitals Wounded to Turkish Hospitals1 Wounded to Turkish Hospitals2 Wounded to Turkish Hospitals3 Wounded to Turkish Hospitals4 Wounded to Turkish Hospitals5 Wounded to Turkish Hospitals6 Wounded to Turkish Hospitals7 Wounded to Turkish Hospitals8 Wounded to Turkish Hospitals0 Wounded to Turkish Hospitals9

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here