Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa maanta  booqasho ku tegay magaalada Laaascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana uu  xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey degmada.

Madaxweynaha oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaaladda ayaa furay cisbitaalka guud ee gobolka Sool, waxaa kaloo  uu xariga ka jaray dugsiga sare ee boodhinka Laas-caanood oo isna dib u dhis ballaaran lagu sameeyey iyo 11 mashruuc oo laga hir-galiyey isla magaaladda laascaanood

Weftiga waxaa lagu soo dhaweeyay astaanka xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ku qaabilay dadweynaha degmooyinka Yagoori iyo Adhi-cadeeyey, iyaga oo Madaxweyne Axmed Madaxweyne Siilaanyo uu dadweynahaasi fagaare kala hadlay ugana mahad-naqay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulmeen.

Guddoomiyaha gobolka Sool Khayre Dirir ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yiri “ Mudane madaxweyne cisbitaalka waxa la dhisay 1946-kii, maanta waxa aynu joognaa 2017-kii, mudada intaa le’eg, waxa aad tahay masuulkii ugu horeeyey ee nasiib u yeesha inuu cibitaalka Laascaanood dib u habayn iyo casriyeyn ku sameeyo, waana abaal aad gashay shacbi weynaha Somaliland gaar ahaana reer Sool. mudane Madaxweyne iskuulka boodhinka waxa la dhisay 1962-kii isna waa markiii ugu horaysay ee dib loo dhiso adiga iyo xisbigaaga KULMIYE waxaad noqoteen cidii u horaysay ee dib u dhis ku samaysa, shacabka reer Laascaanood way ka dharagsan yihiin cidii wax u qabatay, intii aad talada haysay is badal muuqda ayaa gobolkan ka hirgalay.”

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Salaabaan Ciise Axmed ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aannu maanta ka soo qayb galno, goob-joogna ka ahaano furitaankii iyo xadhiga ka jaristii cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo ah cisbitaal gobol iyo Iskuulkii boodhinka ahaa oo ah dugsi sare, waa laba mashruuc oo waaweyn oo lacag badani ku baxday, barnaamijka la yidhaa SDF ee sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa hirgaliyey.”

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu yiri “ Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta halkan imaado oo aan ka soo qayb galo xafladan aynu ku furayno cisbitaalka gobolka Sool iyo dugsiga sare ee Laascaanood ee boodhinka ah, in aynu mashaariic waaweyn dalka ka hirgalinaa waa waajib ina saaran, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa, wixii aanu ka qaban karaynayna waanu ka qabanay, Insha Alaahu waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo mashaariicdaasi, meel wanaagsan inoo mariyo.” ayuu yiri Madaxweynaha JSL.

Siilaanyo in Laascaanood Siilaanyo in Laascaanood1 Siilaanyo in Laascaanood2 Siilaanyo in Laascaanood3 Siilaanyo in Laascaanood4 Siilaanyo in Laascaanood5 Siilaanyo in Laascaanood6 Siilaanyo in Laascaanood7 Siilaanyo in Laascaanood8

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here