Hogaamiyaha Xisbiga Daladda Dimuqraadiga(FDC) Ee Dalka Uganda Kizza Besigye Oo Xabsiga La Dhigay

Hogaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga dalka Uganda  Kizza Besigye ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaa ninkan lagu soo eedeeyay falal dil ah kadib markii banaanbax loogaga soo horjeedo dheereynta xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni ay dhigeen mucaaradka dalka Uganda.

Hogaamiye Kizza Besigye ayaa afar mar isu soo taagay qabashada xilka madaxweynaha dalka Uganda kuwaasoo dhammaantooda loogana guuleystey, shaley ayaa ninkan la xirey.

Booliska ayaa ku eedeeyay Besigye dhimashada labo ka mid ah dad banaanbaxayay Arbacadii aynu ka soo gudubnay iyadoo boolisku ay ku rideen rasaas iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya kadib markii ay isku dhaceen banaanbaxayaasha iyo ciidamada booliska.

Sarkaal ka tirsan Booliska Uganda oo lagu magacaabo Denis Namuwoza ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Kizza Besigye iyo kaaliyaashiisa ay horkaceen dhalinyaro dhagxaan ku tuuray ciidamada Booliska taasi oo sababtay in dadkii banaanbaxa dhigaayey qaarkood geeriyoodan.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo ah 73 sano jir ayaa in kabadan muddo sodan sano xukumaayo dalka Uganda, wuxuuna weli doonaya inuu markale u tartamo qabashada xilkan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here