Madaxweyne Farmaajo Oo Faahfaahiyey Qodobada Looga Hadlaayo Shirka U Dhexeeyo Dowladda Federalka Iyo Hogaanka Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka bisha Oktoobar ee sanadkan 2017.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkaas looga hadli doono howlo muhiim ah oo horyaalla Qaranka kuwaasoo ay ka mid yihiin:

  1. Musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 sidii loogu beddali lahaa midnimo Qaran.
  2. In Diirada lagu saari doono shirkan sidii loo xoojin ahaa wadashaqeyn dhexmarto Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka.

Dhanka kale, Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in isla shirkan looga ahdlaayo arrimo u baahan in si wada jir ahwax loog qabto sida: Dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaaleynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020ka dalka ka dhici doonto.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku baaqey ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyada oo uu baaqdey kulan Madaxweynaha isugu yeeray labada aqal ee Xildhibaanada Federaalka, taas oo aan la caddeyn sababta rasmiga ah ee loo baajiyey.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka weecday dhabbaha rasmiga ah ee la doonayey inay raacaan kadib markii mid walbo xiriir gaar ah uu la yeeshay dowlado shisheeye taasoo mugdi gelisay jiritaanka dowladda federalka Somalia.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here