Xaaf Oo Bogaadiyey Warqad Casuumaad Ah Oo Uu Ka Helay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha xilkiisa uu muranka ba’an ka taagan yahay ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa bogaadiyey warqad martiqaad ah uu Madaxweyne Farmaajo ka helay taasoo qeyb ka ahayd Martiqaad madaxweyne Farmaajo u dirayey dhammaan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Hogaamiyaha GalMudug Xaaf oo cabsi ka qabay inaan lagu casuumin shirka Muqdisho uga furaayo madaxda dowlad goboleedyada ayaa isla markii warqadda casuumadda uu helay shaaciyey inuu ka qeyb galaayo shirka Muqdisho.

Shirka Madaxda dowladda iyo Maamul goboleedyada ee qabsoomi doono bishan 28-keeda ayaa xoogga lagu saari doonaa xalinta mad-madow soo kala dhex galay dowladda Federalka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhowaan waxaa xilkii madaxtinimo ee GalMudug ka xayuubiyey Baarlamaanka maamulkaasi, Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Federalka ayaa iyadana Baarlamaanka GalMudug talaabadaasi ku taageertay, waxay arintan dhalisay muran xoog leh.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here