Madaxweyne Farmaajo Oo Kulamo La Qaatay Dhiggiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni Iyo Taliyaha Ciidamada UPDF(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo shaley galabtii gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan la qaatay madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi Adolf Mwesige iyo taliyaha ciidamada UPDF Gen David Muhoozi.

Kulanka madaxweyne Farmaajo uu la qaatay madaxda dalka Uganda ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka howlgalka AMISOM oo dalka Uganda uu yahay dalka ciidamada ugu badan ku tabarrucay.

Hoos ka daawo sawirada kulanka:

Farmaajo and Museveni Farmaajo and Museveni1 Farmaajo and Museveni2 Farmaajo and Museveni3 Farmaajo and Museveni4

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here