Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Addisababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia (Video+Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shaley bilaabay booqasho uu ku tagayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam Desaglen ayaa madaxweyne Farmaajo si diiran u soo dhaweeyey iyadoo madaxweyne Farmaajo dhankiisa uu Ethiopia uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaadaneyso nabadeynta dalka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa madaxweyne Farmaajo iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay Addisababa kadib markii uu soo dhamaaday kulamo uu la qaatay madaxda dalka Ethiopia.

Hoos ka daawo Shirka jaraa’id ee madaxweyne Farmaajo iyo kulamada uu la qaatay madaxda dalka Ethiopia.

 

Farmajo with Desalegn Farmajo with Desalegn1 Farmajo with Desalegn2 Farmajo with Desalegn3 Farmajo with Desalegn4

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here