Dowladda Mareykanka Oo Ka Digtay Weeraro Argagaxiso Oo Laga Yaabo In Lala Beegsado Muwaadiniinteeda Ka Howlgalo Muqdisho

Wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku amatray muwaadinta Mareykanka ee ka howlgalo Soomaaliya inay si deg deg uga baxaan magaalada Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray Xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Bogga wararka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Muqdisho illaa amar dambe.

Dowladda Mareykanka ayaan wax safaarad ah oo shaqeeyo ku laheyn magaalada Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan hadii xaalad khatar dareemaan inay la xiriiraan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Mareykanka ayaa inta badan muwaadhiniintiisa uga digo dalalka laga yaabo in lagu beegsado, waxaana inta badan digniinta noocaan ah ay la xiriirtaa khalkhal siyaasadeed oo Mareykanka uu doonaayo inuu ka abuuro dowladaha ay khuseyso.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here