Gobolada Ay Ka Howlgalayaan Ciidamada Cusub Ee Ka Socdo Dalka Itoobiya Oo La Shaaciyey(Video)

Waxaa dhowaan xuduudaha dalka Soomaaliya ka soo gudbay ciidamo cusub oo ka yimid dhanka dalka Itoobiya kuwaasoo la naawilaayo inay ka qeyb galaan gulufka colaadeed ee dhowaan lagu qaadi doono maleeshiyada kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Ciidamadan cusub ee ka socdo dalka Itoobiya ayaa beegsan doono goobaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolada Gedo iyo Sh.hoose oo shacabka ku dhaqan dhibaato ba’an ay kala kulmayaan maleeshyada Alshabaab.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhowaan dalalka Itoobiya booqday ayaa la sheegay inuu Itoobiya kala soo saxiixday kaasi oo dhigaayo in ciidamo Itoobiyaan ah oo aanan ka amar qaadanin howlgalka AMISOM la keeno gobolada dalka Soomaaliya qaarkood.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here