Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Boostada & Isgaarsiinta DFS Oo Shir Xasaasi Ah La Qaatay Wakiilo Ka Socday Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka(Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Bayleh Ducaale ayaa maanta ka qayb galay shir si wada jir ah ay u soo agaasimeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Boostada iyo Isgaarsiinta kaasi oo lagu casuumay wakiilo ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta ee sida Gaarka ah loo leeyahay.

Shirkaan waxaa looga wada hadlay shuruucaha la xiriira waajibaadka Qeybta Isgaarsiinta iyo xoojinta wadashaqaynta kala dhaxeysa Heyadaha Dowladda ee arimahaas u xil saaran.

Shirkadaha isgaarsiinta dalka gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya ayaa gacanta ku haayo inta badan dhaqaalah iyo lacagaha dadka Soomaaliyeed, waxaaba jiro in shirkadaha qaarkood ay u shaqeeyaan sida Banki lacagaha lagu keydsado iyadoo aysan jirin cid looga dacawoonaayo haddii qalad ay sameeyaan.

Dr Beyle8 Dr Beyle7 Dr Beyle6 Dr Beyle5 Dr Beyle4 Dr Beyle3 Dr Beyle2 Dr Beyle1 Dr Beyle0

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here