Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Lagu Baacsanaayo Maleeshiyaadka Argagaxisada Ka Wado Buuraleyda Golis(Sawiro)

Ciidamada Puntland ee PSF iyo kuwa kale ee Difaaca ayaa hawlgalo ka bilaabay shalay deegaano ka tirsan dhulka Buuraleyda ah ee Calmadow ee Galbeedka uga beegan magaalada Bosaaso.

Hawlgaladan ayaa lagu sheegay in lagu baadi goobayo kooxaha ku dhuumaleysanaya buurahaasi oo isaga tilaaba buuraleyda gobalada Bari iyo Sanaag Bari.

Ciidamada Dowlada Puntland ayaa horey ugu guuleystay inay burburiyaan saldhigyadii ugu waaweynaa ee Kooxda Al Shabaab ku lahayd buuraleyda gaar ahaan kuwii ay ku lahaayeen deegaanka Galgala, balse maleeshiyaadka kooxdaasi ayaa weli ku sugan dhulka buuraha ah ee lama degaanka ah, waxayna horey weeraro gaadmo uga geysteen deegaanka Af urur iyo Kontaroolka Bosaaso oo ay xiliyo habeen ah soo weerareen.

Dhaq dhaqaaq ciidamada Puntland ayaa kusoo beegmaya xili sidoo kale ay hawlgalo amniga lagu sugayo ay ka socdaan magaalada Bosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland, saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay ka hortagaan qaraxyo lala damacsanaa qeybo kamid ah magaalada.

Dhinaca kale todobaadkan ayaa markii ugu horeysay taariikhda ay diyaaradaha Maraykanka duqeeyeen buuraleyda ku yaal bariga fog nawaaxiga degmada Qandala halkaasi oo la sheegay inay iyaguna ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Daacish, Maraykanka ayaa horey u duqeyn jiray deegaanada Koonfurta Soomaaliya oo ay ku sugan tahay kooxda Al Shabaab.

Maraykanka ayaa duqeyntaasi kusoo beegay maalmo kadib weerarkii ka dhacay magaalada New York ee lagu dilay 8 qof, weerarkaasi oo ninkii geystay nolol lagu qabtay ayaa waxaa sheegatay kooxda Daacish.

Xigasho: Horseed Media

Calmadow1 Calmadow2 Calmadow3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here