Dhageyso Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Diiday In Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Laga Qeyb Geliyo Shirka Amniga

Waxaa magaalada Muqdsiho ku qabsoomey shaley shir looga hadlayey Aniga Qaranka Soomaaliya kaasi oo ay ka qeyb galeen hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxda ugu sarreyso dowladda federalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintii ka qeyb galay Waxaa muran xoog leh uu Shirkan ka dhashay kadib markii uu ka soo qeyb galay gudooomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi oo dowladda federalka ay ku marti qaaday.

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif iyo madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa si toos ah uga soo horjeestay in gudoomiye Taabit uu soo fadhiisto shirka.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali kheyr ayaa sheegay in gudoomiye Taabit uu xaq u leeyahay inuu shirkan ka qeyb galo maadaama arimaha laga haldaayo ee Amniga ay khuseeyaan gobolka uu hogaamiyo iyo gobolada kaleba.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here