Madaxda Dowladda Federalka Iyo Ganacsatada Muqdisho Oo Ka Wada Hadlay Bixinta Canshuuraha(Sawiro)

R/wasaaraha Soomaaliya Md Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Bayle ayaa si wada jir ah uga qeyb galay Shir gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay la qaadatay Ganacsatada Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu furay R/wasaare Kheyre ayaa waxaa si gaar ah u wada fariistay Madaxda wasaaradda iyo Ganacsatada Magaalada, iyadoona la falanqeeyay qaabka ugu fudud ee Canshuuraha ay u bixin karaan Ganacsatada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino waajibaadka Dowladda, balse waxaan doonaynaa inaan helno Xuquuqdeena” waxaa sidaasi yiiri qaar kamid ah Ganacsatadii shirka ka hadashay.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyleh ayaa dhankiisa sheegay in Ganacsatada looga baahanyahay in ay Dowladda garabsiiyaan isla markaana ay bixiyaan Canshuurta looga baahanyahay.

DAAWO SAWIRADA

Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here