Weerar Dhiig Badan Uu Ku Daatay Oo Lagu Qaaday Masjid Ay Ku Cibaadeysanayeen Jamaacada Suufiyada Dalka Masar(Video)

Masjid ay ku cibaadeystaan dadka ka tirsan Jamaacada Suufiyada ayaa waxaa shaley lagu weeraray magaalada Seynaa’a ee waqooyiga dalka Masar.

Sida ilo xogxogaal ah xaqiijiyeen, kooxda weerarkan fulisay ayaa watay calanka madow ee lagu yaqaano kooxda DAACISH.

Khasaaraha ka dhashay ayaa noqday midkii ugu ba’naa ee dhowaanahan ka dhaco dalka Masar iyadoo dhimashada ay gaartay 305 ruux.

Dowladda Masar ayaa maanta bilowday howlgal culus oo gobolka Siina’a looga sifeynaayo maleeshiyada argagaxisada ee DAACISH.

Hoos ka daawo:

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here