Dhageyso Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Oo Sheegay In Abuu Mansuur Uu Kaalin Weyn Ka Qaadanaayo Dagaalada Lagula Jiro Kooxda Alshabaab

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan ku dhawaaqay inuu ku soo biiray dowladda Federalka Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa inuu wax weyn ka bedeli doono dagaalada dowladda ay kula jirto maleeshiyada Alshabaab.

Saraakiisha ciidamada DF ee ka howlgalo gobolka Bakool ayaa ka hadlay kaalinta uu Sheekh Mukhtaar Roobow ka qaadanaayo dagaalka Alshabaab looga sifeynaayo gobolka Bakook iiyo guud ahaan gobolada sadexda ah ee maamulka K/galbeed ka arimiyo.

Korneyl C/raxmaan Timacadde oo ka mid ah saraakiisha ciidanka DF ee gobolka Bakool oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Abuu Mansuur ay garanayaan qaababka Alshabaab u maleegaan dhagarta ay maleegaan taasina ay ka dhigan tahay in la helay rag garanaayo marinada Alshabaab ay maraan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here