Degmada Diinsoor Oo Laga Dareemayo Horumar Amni Iyo Koboc Dhaqaale(Sawiro)

Horumar dhaqaale iyo nabadgelyo ayaa sanadihii ugu dambeeyey laga dareemayaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Amniga magaalada Diinsoor waxaa xaqiijiyo Ciidamada dowladda ee ka howlgalo Magaalada iyadoo maleeshiyada kooxda nabad-diidka Alshabaab ay ku sugan yihiin tuulooyin hoosyimaado degmadan horumarka ku talaabsaneyso ee Diinsoor. Ciidamada dowladda ayaa qorsheynaayo in awooddooda ay gaarsiiyaan tuulooyinka ay Alshabaab ku sugan yihiin si loo faafiyo hannaanka iyo astaanta dowladnimo.

Waxgaradka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ka dhexeeyo isfaham wanaagsan taasoo keentay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda federalka.

Sawiro iyo muuqaalo kale oo maamulka degmada Diinsoor u qeybiyey warbaahinta ayaa halkaan idinku soo gudbineynaa kuwaasoo muujinayo astaan dowladnimo oo ka muuqato degmada Diinsoor.

Hoos ka daawo Sawirada

Diinsoor horumar Diinsoor horumar0 Diinsoor horumar1 Diinsoor horumar2 Diinsoor horumar3 Diinsoor horumar4 Diinsoor horumar5 Diinsoor horumar6 Diinsoor horumar7 Diinsoor horumar8 Diinsoor horumar9

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here