Wasaaradda Maaliyadda DF Oo Shaacisay Labo Arin Oo Miisaaniyadda Sanadka 2018-da Ay Uga Duwan Tahay Miisaaniyadihii Hore Ee Dalka (Sawiro)

Misaaniyadda 2018 waxa ay uga duwantahay Miisaaniyadihii hore ee Dalka Soo maray Labo arin oo kala ah:

  1. In lagu daro qoondada Adeega Dadweynaha, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada

2. Waa markii ugu horeysay ee Taariikhda oo Bulshada Soomaaliyeed laga Talo galiyo miisaaniyad Qaran, waana sababta maanta laagu qabtay Munaasibad si Toos ah Warbaahinta looga daawanayay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qayb galay kulan ka dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka.

Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka FS ayaa Su’aalo si toos ah Caalamka looga daawanayay wiidiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hor kacayay Wasiir Bayleh.

Barnaamishka Dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka waxaa sidoo kale Su’aalaha qeyb ka ahaa Dadweyne ka socday Bulshada qeybeheeda kala duwan oo doonayay in ay helaan turxaanbixin ku saabsan kororka Miisaaniyadda ee Adeegyada Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in si hufan oo wadaninimo ah loogu shaqeeyo Qaranka, waxaa kale oo sharaf ii ah in si daahfuran aan Dadweynaha ula wadaago Miisaaniyadda 2018-ka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Bayleh.

Miisaniyadda 2018 waxaa hore u soo meelmariyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, idoona hada ay hortaalo Golaha Shacbiga Soomaaliyeed. Dr Beyle Dr Beyle1 Dr Beyle2 Dr Beyle3 Dr Beyle4 Dr Beyle5 Dr Beyle6 Dr Beyle7 Dr Beyle8 Dr Beyle9

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here