Banaanbax Balaaran Oo Madaxweyne Farmaajo Looga Dalbanaayo Inuu Saxiixo Xukunka Lagu Riday Ninkii Dilay Marxuum Cabbaas Siraaji Ayaa Baydhabo Ka Dhacay(Video)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu qabtay dibadbax balaaran oo looga cabanaayo in madaxda dowladda ay diidan yihiin inay saxiixaan xukunkii labo maxkamad ay ku rideen gacan-ku-dhiiglihii dilay wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Federalka marxuum Cabbaas Siraaji.

Dibadbaxaan oo ahaa mid aan loo kala Xarin Caruur iyo Dad waaweyen ayaa waxaa uu ahaa Mid madaxwweynaha dowladda Federalka looga dalbanaayey inuu saxiixo xukunka maxkamadda ku riday Gacan-ku-dhiigle Axmed Ceydiid.

Waxaa ka mid ahaa dadka dibad baxa ka qeyb galay qaar ka mid ah Ehelada Marxuum Xildhibaan Cabaas Siraadi iyo madax ka tirsan maamulka K/Galbeed.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here