Madaxweynaha Dalka Oo Maanta Shir-gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab oo khatar ba’an ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidooo kale shirka ka qeyb galay Ra’iisulwasaare Kheyre, Ra’iisulwasaare kuxigeenka Mahad Guuleed, hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada, duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi, Taliyeyaasha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Taliska ciidamada Milateriga ayaa madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Shirka Amniga Shirka Amniga1 Shirka Amniga2 Shirka Amniga3 Shirka Amniga4 Shirka Amniga5 Shirka Amniga6 Shirka Amniga7

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here