Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xildhibaanada Dam-jadiid Iyo Isbaheysiga Dowlad Diidka Ah

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda federalka Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo xaley Muqdisho uga qeyb galeysay Munaasabad dowladda waxqabadkeeda looga hadlaayey ayaa sheegtay inay jiraan shakhsiyaad siyaasaddooda ku dhisan tahay “”Cadkaanow ku cun ama ku ciideey”.

Waxay wasiiradda si qoto dheer uga sheekeysay heerarkii uu soo maray Mooshinadii iyo qaababkii kale ee lagu ridi jiray Ra’iisul Wasaareyaashii dalka soo maray.

Sidoo kale, Marwo Khadiijo ayaa sheegtay in aan Baarlamaanka marna uusan bedeli jirin Ra’iisul Wasaaraha dalka balse taasi bedelkeeda bedelka wuxuu ka imaan jirtay Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha soo magacaabay oo doonayey inuu bedelo.

“Waxaa maalmahan socda waa wax cusub, beeni raad ma leh, mooshinka waxaa dowladihii hore caado u aheyd in Ra’iisul Wasaare lix bilood  jooga in la bedelo, baarlamaanka ma bedeli jirin, mooshinka kow waxaa bilaabi jiray Madaxweynaha xiligaasi jiro ee doonayo inuu Ra’iisul Wasaariha bedelo, waxaa la dhihi jiray lix bilood ka bacdii markii dalqadiisa la arki waayo iyo dantiisa gaarka aheyd orda oo iga soo bedela, maanta Madaxweyne Farmaajo damac kale iyo dalqad kale oo u furan ma jirto oo aan aheyn Danta Dalka iyo Dadka, wuxuu bedelay wixii  horay oo dhaqan horay loo yaqiin”ayay tiri wasiiradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Diiriye.

Waxay sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye in marka Madaxweynaha uu rabo inuu bedelo Ra’iisul Wasaare in Wasiiradii xilligaas jooga in la dhihi jiray is casila, si aad berri u soo laabataan balse maanta Madaxda joogta aysan ku shaqeyneynin siyaasadda gurracan ee noocaas ah.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay magacaabi karto shakhsiyaad khatar ku ah horumarka dalka oo qaarkood Baarlamaanka dhexfadhiyo kuwaasoo markii ay ka daaleen karkarinta mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha dalka hadda bilaabay abaabulka mooshiin kale oo Madaxweynaha lagu qashqashaadaayo.

Xildhibaanada kooxda Damjadiid oo kaashanaayo iyo isabaheysiyo nabad diid ah ayaa bilooyinkii u dambeeyey dadaallo ku bixinaayey niyad jabinta madaxda dowladda federalka iyagoo wado walbo oo ay ku jirto khalkhal gelinta amniga qaranka u soo maray xaqiijinta hadafkooda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here