Dhageyso Madaxweynaha Jubbaland Oo Shaaciyey In Madaxda Alshabaab Ay Ku Sugan Yihiin Gobolka Jubbada Dhexe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in  dhammaan hogaamiyeyaasha kooxda Alshabaab ay ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe oo dhammaan degmooyinkiisa gacanta ay ku hayaan Alshabaab.

Waxaa uu Axmed Madoobe hadalkan ka sheegay isagoo ka qeyb galayey shirka Amniga Qaranka ee maanta lagu qabtay xeerada ciidamada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa doonayo inuu howlgalada ka dhanka Alshabaab culeyskooda laga bilaabo gobolada Jubbaland oo uu sheegay in khatarta ugu badan ee Alshabaab ay ka jirto.

Hoos ka dhageyso hadalka Axmed Madoobe

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here