Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa Degmada Afgooye waxay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo si fiican looga yaqiinay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninka la dilaya ayaa lagu magacaabi jiray  Ibraahim Tabliiq, waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen Dableey Bastoolado ku Hubeysanaa , waxaa la xaqiijiyey in kooxihii dilka geystay ay goobta iskaga baxsadeen kadib markii howshooda ay fushadeen.

Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye iyo maamulka Koofur Galbeed ayaan wali wax war ah ka soo saarin amaan darro beryahan dambe ku soo badaneysay degmada Afgooye oo ka mid ah degmooyinka gobolka ee ay dhibaato ba’an ku hayaan maleeshiyaad ka soo jeedo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here