Isku Aadka Tartanka Xulalka Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo La Soo Bandhigay

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu soo bandhigay isku aadka Tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyada. 

Waxaa isku soo daba riday ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya taasi oo  dib u soo nooleysay ciyaaraha gobolada Soomaaliya.

Dhalinyarada Ciyaartoyda ah ee ka kala imaanaayo deegaanada Maamul goboleedyada Sooaaliya ayaa la sheegay inay soo wada gaareen magaalada Muqdisho, waxayna wasaaradda dejisay Hotelo Muqdisho loogu diyaariyey.

Isku aadka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka ayaa sidan hoose ah:

Group A: Banaadir, Galmudug, Jubbaland

Group B: Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed.

Xulka kubbadda Cagta Puntland ayaa sanadkii hore qaaday Koobka sanadkii hore loo qabtay dhalinyarada maamul goboleedyada.

Ciyaarta ugu horeysay ee furitaanka Tartanka xulalka Maamul Goboleedyad ayaa la qaban doona maalinta Jimcaha ee nagu soo beegan, waxaana lagu furi doonaa ciyaartan xulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Jubbaland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here