Donald Trump Oo Magaalada Barakeysan Ee QUDUS U Aqoonsaday Caasimadda Israel

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhow ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimadda Israel isla markaasina Safaaradda Mareykanka loo soo raraayo magaalada Qudus.

“Nabad ka dhalato Bariga Dhexe ma ahan mid dhow, madaxweyneyaal badan oo Mareykanka soo maray ayaa ololahooda doorasho ku balan qaaday in magaalada Qudus u aqoonsanayaan caasimadda Yahuudda balse midkoodna ma uusan fulinin balanqaadkiisa, waxaan QUDUS u aqoonsanayaa caasimadda Israel” ayuu yiri Donald Trump isagoo si jees jees ah u hadlaayo.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in bariga dhexe uu ka bilowdo dagaal dhiig badan uu ku daato oo saameyn ba’an ku yeesho xiriirka dalalka Islaamka iyo reer Galbeedka uu Mareykanka hogaamiyo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here